Machadka Al-Ma’muun Primary and Secondary School
Maadaama deegaan kasta uu hormariyo dadkeedu waxaa jirtay in ay isxilqaameen dhalinyaro u dhashay deegaanka Caabudwaaq si loo horumariyo waxbarashada deegaanka.
Waxaan sameynay inaan u yeerno macallimiin Kenyan ah, kuwaasoo muddo wax ka dhigayay gobolka waqooyi bari ee Kenya, waxaana abaabulnay machad course ah oo ay wax ku baranayaan dadka yaryar iyo dadka waa weyn, kaasoo ku baxaya manhajka kenya waa xagga xisaabta, sayniska iyo English-ka. Waxaan kiraynay guri fillo ah oo ka kooban 6 qol, kadibna waxaan billawnay diiwaan galinta ardada taasoo ugu danbeyntii noqotay mid hadda si weyn wax uga badashay waxbarashadii deegaanka oo ay ka jirtay dib udhac xagga waxbarashada ah. Waxaa xusid mudan inaysan kajirin deegaankan waxbarasahada dadka waaweyn haba yaraatee machadkaan ka hor.
Nasiib darro markii la dareemay tayada aqooneed ee machadka ,ayna si aan kala go’ lahayn isu diiwaan galinayeen ardadu, dantu waxay nagu qasabtay inaan joojinno qoraalka ardada ayadoo ay noogu wacantahay qolalka dugsiga oo yar oowgeed.Waxaan billawnay inaan raadinno meel ay si fiican ardadu ugu sii wataan waxbarashadooda, deeqina kara ardadii danboo laqorayo. Waxaan wada hadal lagalnay qoysas daganaa dugsigii sare ee dawladdu lahayd kaasoo runtii dadaalbadan oo ay culimmada iyo dhalinyaraduba sameeyeen kadib naloo ogolaaday.waxaase jirta inaan dib loo fiirin, looguna sameeyn waxdayactira tan iyo markii dawladii hore burburtay. Dugsigan oo ka kooban ilaa 8 qol oo kiiba qaadi karo 70 arday ayaa hadda u baahan dayactir baaxadleh.
Haddaba waxaan ka codsanaynaa bulshada u danqanaysa kana soo jeedda deegaankan inay si ilaahay dartiis ah kuna jirto wadaninimo ugu istaagaan deegaankooda una dayactiraan dugsigaan si bulshadoodu u tiigsato horummarka ay inta badan ku tillabsadeen gobollada kale ee dalka .
Wabilaahi towfiiq.
Maamulaha Al-ma’muun Primary and Secondary School
Axmed-naassir Jaamac-dhirif C/lle Tel: +25215835264
Maamule ku xigeenka: Madar Bashiir Xasan-oog Tel:+25215863544
By C/kariin Axmed Bulxan
Caabudwaaq-Somaliya
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com