In kabadan 70 arday oo ka socota dalladda waxbarasho ee al-ma’muun ee ahlusunna wal-jamaaca ayaa ka heshay deeq waxbarasho mid ka mid ah jaamacadaha ugu caansan dalka yemen .

Al-ma,muun primary and secondary school

http://www.almaschool.wordpress.com

Waxaa dhawaan soo gaaray dalka yemen 70 arday oo ka socota daladda waxbarasho ee al-ma’muun oo raacsan laanta waxbarasho ee culimaa’udiinka ahlusunna wal-jamaaca kuwaas oo ka helay deeq waxbarasho mid kamid ah jaamacadaha ugu caansan dalka yemen Ahgaff University ..

Deeqdaan waxbarasho oo ay bixisay Ahgaff University oo ka mid ah jaamacadaha ugu caansan dalka yemen ayaa waxaa loo sii marsiiyay maamulka daladda waxbarasho ee al-ma’muun .mana ahan markii ugu horreysan oo deeq waxbarasho oo noocaan oo kale ah ay ka helaan culimada ahlusunna walajamaaca dalka yemen , deeqdaan ayaa loo qeebiyay 70 arday oo ay kujiraan 8 gabdhood iyo arday kale oo raba in ay bartaan culuumta qur’aanka ee 7da qiro .waxaana xusid mudan in ay ardaydaan ey kawada imaadeen dhammaan gobalada dlaka somaliya oo idil ..

Horay waxaa u joogay dalka yemen arday ka socota daladda waxbarasho ee al-ma’muun o o ka kala yimid 2005/2007… waxayna kala bartaan takhsusaat kala duwan .

AL-ma’muun, waxa uu ku yala magalada muqdisho iyo gobolo dhowr ah ee dalka somaliyeed , gaar ahaan konfurta iyo bartamaha somalia, machad-ka waxa uu hoostagaa hey’ada sare ee waxbarashada , Ahlusunna wal-jamaca ee somalia, iskuulkaan waxa uu aqoonsi buuxda ee dhanka Adabiga iyo cilmigaba ka haystaa , Jaaamacada faca weyn, ee Al-azhar Al-shariif ee ku taala dalka masar oo ay ka joogaan arday badan , Waxaa ka soo qalinjabisay machad-ka arday aad u farabadan oo qaar joogaan dalal badan oo katirsan dunida , sida : masar , yaman, suudaan, india, liibiya bakistan, suuriya malaysiya,kenya uagaandha,, iyo dalal kale , waxayna lee yihiin aradayda iskuulkaan xiriir buuxa meel kastaa ay jogaan,

Ardaydaan ayaa kala xushay kuliyadaha kala ah:-

1- Faculty of Business & Public Administration

2- 2- faculty of computer science

3- 3- faculty of drasat al islamia

4- Quran ways institute in taream

5- faculty of Sharea

Laamaha machadka al-ma’muun ee somaliya

1- al-ma’muun mogdisho

2- al-ma’muun caabduwaaq

3- al-ma’muun guriceel

4- al-ma’muun dhuusamareeb

5- al-ma’muun .w/muqdisho.

6- al-ma’muun baardheere.

.

Waxaad daalacankartaa websitka ardayda oo ah sidaan

http://www.almaschool.wordpress.com

w/d/ guddoomiyaha ururka ardayda sh. xasan macalim maxamuud sh.xasan albasri..

e-mail – xalbisri2@hotmail.com

sheikh hassan albasri
tel:-967/734543792
http://www.albisri.4t.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s