laamaha

mowliidka_masar_5=====================================
Laamaha machadka al-ma’muun
1 mogdisho xarunta
2- degmada guriceel laan
3- degmada dhuusamareeb laan
4- baardheere laan
5- caabduwaaq laan
6- waqooyiga mogdisho laan
=========================================Xasan Macalim Maxamuud Samatar ( Xasan albasri)

Dawrka culimada suufiyada ee sooyaalka waxbarashada somaliya

*Marka hore waxan salamayaa tafatirayaasha websitka http://www.shaaficiyah.com oo runtii shaqo wacan diinta uhaya waxaan sidookale u’mahadcelinayaa websitka http://www.aayaha.com oo runtii maqaalo aan kusaabsan machadka al-ma’muun ka soo xigtay websitka kale ee ah http://www.somaliedu.com oo aan udiray sidookale waxaan u hambalyeenayaa websitka http://www.2garre.com oo runtii si online ah jawaabaha diinta ubiixiya.

.kadib waxaan jeclehay in aan milicsado waxyar dawrka waxbarasho ee culimada suufiyada ee kaqaateen tacliinta somaliya ISTICMAARKA KA HOR iyo kadiba

Hor- udhaca

Waxaa xusid mudan in DOWRKA CULIMADA SUUFIYADA ee WAXBARASHADA SOOMAALIYA uu yahay mid aan marqaati u baahneyn waayo

Taariikhda waxbarashada Soomaaliya ýwaxay soo martay marxalado kala ýduwan, waxay si aad ah uga bilaabatay magaalooyin badan oo Soomaaliyeed oo badankooda xeebaha ku teedsan kana jirtay xarumo barashada diinta islaamka qeybaheeda kala gedisan iyo luqada carabiga sida magaalooyinka Muqdishu, Marka, Baraawe, Warshiikh, Saylac, Berbera, Harar iyo Baardheere.

Waxayna waxbarashada u qeeybsantay saddex qaybood oo kala ah:

1. Barashada quraanka kariimka ah iyo xifdintiisa.

2. Barashada Axkaamta sida Safinaha iyo Qaasimi,iyo Minhaajka.iwm. iyo luqada Cabariga.sida Nahwaha.iyo Balaaqada.Sarfi.iyo Mandiq.

3. Tarbiyeeynta qofka uu ka helo Culimada sufiyada oo ah Macalimiinta Madaaristaan .

1. Barashada Quraanka kariimka ah iyo xifdintiisa: Qur’aanka waxaa lugu baran jirey welina inta badan lugu bartaa dugsiyada quraanka oo ay tahay waalid walba in uu ilmihiisa geeyo si walba oo ay xaaladiisa dhaqaale ay tahay.

Ardaygana waxaa looga bilaabaa alifka si loo baro hingaada quraanka iyo farta carabiga iyada oo la raacayo usluubkii iyo manhajkii Sheekh Yuusuf Al-Kownayn oo ahaa sheikh suufi ah kaas oo curiyay habkaan , si uu ardeyga u barto hingaada kadibna uu qur’aanka xifdiyo.

Macalinka oo kamid ah dabaqada suufiyada ee qaabilsan tacliinta qura’anka wuxuu mujtamaca Soomaalida dhexdeeda ku leeyahay qaderin aad u weyn waxaana macalinka la siiyaa qaalin lo’ ah ama geel ah marka uu dhameeyo ardeygu quraanka.

Nidaamka dugsiga loogu barto qur’aanka waa nidaam soo jirey kana jira weli Soomaaliya inkasta oo nidaamkan ey isku dayeen Wahaabiyiiinta i n ey dhallan rogaan oo ey waxa ey ku magacaabeen nidaamka casri ah balse runtu ey tahay nidaamkii hore oo ey soo xadeen islamarkaana la casriyeeyey

————————————————————oo0oo—————————————————————————–

Waa sooyaal taariikheed aan rabno in aan ku caddeeno halkaan in culimadii hore eysan kajiifanin waxbaridda ubadkooda ,waxaa dhacday in culimadii oo dadaalkaas wali ku howlan in dunidii hab waxbarasho casri ah ey ku soobiirtay sida Machadyo iyo iskuulo tacliinta lagu barto ,hadaba ayadoo taas la fulinayo ,lgana fogaanyo in ardayda soomalida dhinaca Macaahidda loosoo mariyo afkaarta sumeesan ee Wahaabiyada ey baahiyaan ,ayaa sida in badan ubadka soomaliaya ku dhacday ayaa waxaa lafuray machad ku howlan waxbarid dhalaanka soomaliya kuna socda manhajkii suubanaa ee culimadii hore turaath ahaan aan kahelany .

Faalo kusaabsan machadka al-ma’muun iyo waxbarashada uu hayo umadda somaliyeed .

Machadkaaan oo ku yaalla magaalada Muqdisho oo illaa 8 laamood ku leh goballada Soomaaliya ayaa waxaa la furay sanadkii 2001-dii. Wuxuuna machadku aqoonsi rasmi ah ka helay jaamacadda faca weyn ee Al-azhar shariif ee dalka Masar, iyadoo jaamacadda Azhar ay machadka gacan ka siiso dhanka manahajka iyo shahaadada dugsiyada dhexe iyo sare iyo kan hoose ba. Waxaa xusid mudan in ardeyda ka baxa Machadka Al-ma’muun laga qaddariyo jaamacadda Al;-azhar al – shariif ee maser kutaala

Waxaana kaloo jirta in arday kudhow ilaa 13 arday ay deeq waxbarasho siisay jaamacadda Alzhar,waxeena kala heleen scoilogy iyo sharea and law and tijaara , halka ardey gaareysa 15 ay waxbarasho ka heleen jaamacad ku taalla dalka Yemen oo la yiraahdo Ahgaff University waxena kala heleen kuliyado kalduwan sida administirationka iyo computer scienska iyo tijaaro electronic iyo andimatul macluumaadka CSI iyo share’a and law iyo DEPARTEMENT OF languages ,.waxaana jaamacaddaan maamula culimadii saadaadka aheed oo asharaafta looyaqanay ,waana runtii jaamacadda wanaagsan waayo waxa ey si wadajir ah u hergalisay manhajkii wanaagsanaa ee xalaaqaadka basarasha cilmiga iyo kan moderenka ah ayadoo gaashaneesa culimo reer azhar ah iyo kuwo ree ciraaqi ah iyo culimada yemen ee ah kuwo ku dhaqma madhabka Shaaficiyada heystana caqiidada Ashcariyada, waxaana cashirada wax ka bixiya jaamacadda dakaatiro ree hindi iyo masaari iyo kiinyaati suudaan iyo ciraaqiyiin isugu jira ku waas oo khibrad u leh maadooyinka ey dhigayaan wixii intiis dheer kala xiriir websitka jaamacadda Ahgaff university oo ah http://www.ahgaff.edu.com e-amilkuna waa ahgaff@ahgaff.edu

tel:: 77226458-00967
fax:- :360303-5-00967 .

. waxaa jirta in machadka al-ma’muun xiriir toos ah la leeyahay jaamacado kale oo ku yaalla Liibiya iyo dalalkale oo caalamka ah

Waxaa Machadka ka qaatay shahaadooyinka dhexe iyo sare ardey ku dhow illaa 600, waxaana wax ka dhiga qaar ka mid ah macalimiintii hore ee dalka. Sidoo kale waxaa machadka laga bixiyaa siminaarro caafimaad iyo aqoonta kaleba isugu jira oo ay bixiyaan khubaro ku takhasusay culuumtaas. Farriinta machadka waa in la nooleeyaa waxbarasho wadata nafci adduun iyo aakhiro , kuna saleysan tariikhii culimada ahlusunna waljamaaca manta cadaw badan oo gudaha iyo dibadda jooga ey rabaan in ey suuliyaan oo ku badalaan mabaadiida ina wahaab uu layimid…….

W.D. @. Xasan Macalim Maxamuud Samatar ( Xasan albasri)

http://www.albisri.4t.com

Fadlan wixii farriin ah ku soodir

E-mail.xalbisri2@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s