Archive for October 2010

ardaydii ahlusnna oodhawaan la aqbalay oo cashiradoodii bilaabay

October 28, 2010

waxaa ilaah mahaddiis ah in ay dhammaan wada bilaabeen ardaydii kasocotay daladda waxbarasho ee ahlusunna waljamaaca duruustii jaamacadda kadib markii ay soodhameestireen wixii jaamacadda ay uga baahneed ee muhiim ah … oo sidaas ay kufariisteen kuraasta jaamacadda .. waxaana ilaah uga rajaynayaa in uu usahlo tacliimta oo ay noqdaan kuwii loo aayo..

Qaar ka tirsan ardaydii joogtay Gobolka mukala ee jaamacada Al-Ahqaff University oo shalay soo gaaray magaalada Tariim

October 18, 2010

Qaar ka tirsan ardaydii joogtay Gobolka mukala ee jaamacada Al-Ahqaff University oo shalay soo gaaray magaalada Tariim.

9 10 2010
Waxaa shalay saacadu markii ay ku beegneyd 10kii subaxnimo ka soo baxay Gobolka Mukala arday gaareysa ilaa 41 oo ahaa ardaydii loogu tala galay in ay dhigtaan kuliyada Qiraa’aatka Qur’aanka Kariimka ah ee Jaamicadda Al-Ahqaf University iyagoo shalay goordambe soo gaaray magaalada Tariim.

Ardaydan ayaa waxaa ay qeyb ka ahaayeen in ka badan 200 oo arday oo soomaali ah oo sanadkaan bilaabaya jaamicadda Al-Ahqaff University oo ku taala dalka Yemen kuwaasi oo ka kala yimi guud ahaan gobolada kala gedisan ee dalka Somalia iyo waliba wadamada dariska ah oo ay soomaalidu dagto.

Sanadkan ayaa noqday sanadkii ardaydii ugu badneyd abid oo soomaali ah ay qaadato jaamicadda Al-Ahqaff university walow ay jiraan arday kale oo horay u dhiganeysay jaamicadda kuwaasi oo kala barta kuliyadaha kala duwan ee jaamicadda sida kuliyadaha Computer Science, Accounting, Al-Shariicah Wal-Qaanuun, Management, Economics, Engineering iwm

Ardayda dhiganeysa kuliyadd Qiraatka ayaa la rajeenayaa in ay duruustooda ugu dhamaan doonto mudo labo(2) sano ah iyagoo markii ay dhameystaan jaamicada heli doono shahaado cadeeneysa in ay yihiin Qurraa’, sanad oo ah laga bilaabo macalinkii baray Qiraa’aadka kii sii baray illaa laga gaaro NabiyulLaahi] Muxamed caleyhi salaatu wasalaam oo uu Qur’aankuba ku soo dagay, iyo ijaaso oo ah in uu sii faafin karo Qiraa’aatka Qur’aanka Kariimka ah.

Magaalada Tariim oo ay ardaydu jaamicadda ka dhiganayaan ayaa ah magaalo qadiimi ah oo taariikh qoto dheer ku leh caalamka.

mar aan booqasho ku tagay dhismaha kuliyada Qiraa’aatka ayaa waxaa la i tusay dhismayaal qaarkood ay dhisanyihiin 1000(kun) sano iyo buurta Al-Ahqaff oo ah buurtii loogu magac daray suuratul Axqaaf oo dhinac ka saaran dhisamaha kuliyadda.

Intii aan booqashada ku marayay magaalada Tariim ayaa waxyaabihii ugu yaabka badnaa oo aan ku arkay waxaa ka mid ahaa in dhamaan dhismayaasha magaalada ay korka dhoobo ka yihiin oo aan loo ogaleyn rinji iyo nuuradeyn toona, markii arrintaasi aan weydiiyay qaar ka mid ah cuqalada magaalada ayey waxaa ay ii sheegeen in magaaladan ay Tahay madiinatul Cilmi wal Cibaadah(magaalada cilmiga iyo cibaadeysiga) sidaas owgeedna aan loo ogaleyn in dhismayaasha la qur-qurxiyo si buu yiri aysan ugu mashquulin dadkii u soo doontay cilmiga iyo cibaadeysiga.

Waxaa sidoo kale la ii sheegay in sayid Abu-Bakar uu u duceeyay magalaadan maxaa yeelay markii magaalooyin badan oo ka mid ah dhulka muslimiinta laga diiday bixinta zakada ayuu u yimi reer Tariim oo sidoodii zakada u bixinaya wax is badal ahna uusan ku dhicin isagoo markaasi ugu duceeyay in magaalada Tariim ay culimadu uga soo dhashaan sida ay dhirtu uga soo dhalato dhulka.

Ma aha markii ugu horeysay oo arday Soomaaliyeed oo dhigineysa kuliyadda Qiraa’aadka ay yimaadaan magaalada Tariim balse waxaa horay u joogay arday dhowr ah oo uu sanadkan u dhamaanayo duruustoodii kuwaasi oo laga rajeenayo in ay si baaxad leh ugu faafin doonaan Qiraa’aatka guud ahaan dunida Islam-ka gaar ahaanna dalka Somalia.

W/D:-

Zakaria Yussuf Kulane

(Dr.kulane)

Email: anwarka34@hotmail.com

Ardey ka qalin jabisay Iskuullada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Galgacyo oo deeqo wax barasho ka helay Waddamada Yemen iyo Masar

October 3, 2010

Ardey ka qalin jabisay Iskuullada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Galgacyo oo deeqo wax barasho ka helay Waddamada Yemen iyo Masar

1 10 2010
Ardey aad u fara badan oo ka qalin jabisay Iskuullada ay gacanta ku hayaan Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxay wax-barasho bilaash ah ka heleen waddamada Yemen iyo Masar.

Ardeydaan ayaa gaaraya ilaa 30meeyo waxayna ka kala bexeen Iskuullada ay gacanta ku hayaan dalladda Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca.

Adeydaan ayaa marii ay u baxayeen waddamada Yemen iyo Masar ayaa waxaa loo dhigey xaflad sagoontin, waxaana ka qayb galay Xafladdoodaaas Maamullada Iskuullada, Macalimiinta iyo weliba qaybaha Bulashada kala duwan.

Shiikh Muxayadiin Yuusuf Barre oo ah Culimada Waa weyn ee Ahlu-sunna Wal-jamaaca gacantana ku haya Iskuullada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Magaalada Gaalkacyo ayaa madashaas ka hadlay, wuxuuna ardeyda kula dardaarmey in ay sifiican wax u soo korarsadaan, ilaashadaanna caqiidadooda saxda ah, oo aysan was waasin Wahaabiyada meel kasta ayey adduunka ka joogaane.

Waxaa sidoo kale madasha sagootinka ka hadlay Macallimiintii iyo waaridiintii halkaas isugu yimid, iyagoo dhammaan ammaan u soo jeediyey Maamullada Iskuullada hoos yimaada Ahlu-sunna Wal-jamaaca dadaallada ay muujiyeen, waxay sidoo kale la dardaarmeen Ardeyda deeqaha wax barasho ka heshay waddamada Yemen iyo Masar.

Waxaa iyagana ka hadlay halkaas ardeyda deeqaha heshey waxayna ammaan u soo jeediyeen Maamulka Iskuullada Ahlu-sunna Wal-jamaaca, oo sheegeen la’aantood in aysan waligood helin wax wax-barasho ah.

Waxay sidoo kale sheegeen in ay waddankooda ay wax u soo baranayaan, iyagoo sheegey in alle idinki ay iska ilaalin doonaan Khawaarijta iyo Wahaabiyadaba, waxayna ballan ku qaadeen in ay markii ay wax soo bartaan, ay shaqada ugu horreeya ee ay qaban doonaan ay noqon doonto la dagaallanka Khawaarijta iyo Wahaabiyadaba.