AL-MA’MUUN CAADUWAAQ

AL-ma’muun caabduwaaq
April 30, 2009
Maadaama deegaan kasta uu hormariyo dadkeedu waxaa jirtay in ay isxilqaameen dhalinyaro u dhashay deegaanka C/waaq si loo horumariyo waxbarashada deegaanka. Waxaan sameynay inaan u yeerno macallimiin Kenyan ah,kuwaasoo muddo wax kadhigayay gobolka waqooyi bari ee Kenya.waxaan abaabulnay machad course ah oo ay waxkubaranayaan dadka yaryar iyo dadka waa weyn kaasoo kubaxaya manhajka kenya waa xagga xisaabta,sayniska iyo Englishkee

ka kooban 6 qol,kadibna waxaan billawnay diiwaan galinta ardada taasoo ugu danbeyntii noqotay mid hadda si weyn wax uga badashay waxbarashadii deegaanka oo ay kajirtay dib udhac xagga waxbarashada ah.Waxaa xusid mudan inaysan kajirin deegaankan waxbarasahada dadka waaweyn habayaraatee machadkaan ka hor.

Nasiib darro markii ladareemay tayada aqooneed ee machadka ,ayna si aan kala go’lahayn isu diiwaangalinayeen ardadu, dantu waxay nagu qasabtay inaan joojinno qoraalka ardada ayadoo ay noogu wacantahay qolalka dugsiga oo yar oowgeed.Waxaan billawnay inaan raadinno meel ay si fiican ardadu ugu sii wataan waxbarashadooda, deeqina kara ardadii danboo laqorayo.Waxaan wada hadal lagalnay qoysas daganaa dugsigii sare ee dawladdu lahayd kaasoo runtii dadaalbadan oo ay culimmada iyo dhalinyaraduba sameeyeen kadib naloo ogolaaday.waxaase jirta inaan dib loo fiirin,looguna sameeyn waxdayactira tan iyo markii dawladii hore burburtay.Dugsigan oo ka kooban ilaa 8 qol oo kiiba qaadi karo 70 arday ayaa hadda u baahan dayactir baaxadleh.

Haddaba waxaan ka codsanaynaa bulshada u danqanaysa kana soo jeedda deegaankan inay si ilaahay dartiis ah kuna jirto wadaninimo ugu istaagaan deegaankooda una dayactiraan dugsigaan si bulshadoodu u tiigsato horummarka ay inta badan ku tillabsadeen gobollada kale ee dalka .

WABILLAAHI TAWFIIQ

M/mulaha iyo M/kuxgeenka Al-ma,muun primary and secondary school

Axmed-naassir Jaamac-dhirif C/lle Tel: +25215835264

Madar Bashiir Xasan-oog Tel:+25215863544

Bye: C/kariin Axmed Bulxan

Caabudwaaq-Somaliya

Xaflad ballaaran oo uu qabtey Schoolka Hoose dhexe ee Al-ma’muun ee Magaalada Caabudwaaq

21 08 2010
Dugsigan oo la aasaasay January 2009 ayaa waxaa lagu qabtay xaflad si weyn loo soo agaasimay waxaana ka soo qeyb galay dadweyne aad u farabadan oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada sida Culumaa’udiin, Maamulka degmada, Hooyooyinka, dhalinyarada iyo aqoonyahankaba.

Xafladdan oo ay ka hadleen dhammaan qeybaha aan kor ku soo xusnay ayaa waxaa hoosta laga xariiqay si weyna laysugu raacay in dugsigu uu wax weyn kabadaley waxbarashadii liidatay ee degmada, uuna yahay Schoolka ugu tayada badan Schoolada kuyaal Deegaannada, waxaana ardeyda lagu baraa ka sokow maaddooyinka ay qaataan caqiidada saxda ah ee Islaamka.

Xafladdaan ayaa waxay maamulka dugsigu ka sheegeen in 10 kamid ah ardada ay u dirayaan jaamacado ku yaal dalalka carabta oo ay ka heleen deeq waxbarasho taasina ay ka denbeysay xiriir iyo dadaal dheer oo ay ku bixiyeen arrintaas waana markii ugu horreysay oo arday caabudwaaq ka tagtay ay deeq waxbarasho ka helaan jaamacado ajnabi ah.

Sidoo kale ardada ayaa halkaas lagu gudoon siiyay abaal marinno kala duwan ayadoo ardayga fasalkiisa ka gala kaalinta koowaad la siiyay ID card caddeynaya inuu lacag la,aan uu ku dhigan doono dugsiga halka kuwa gala kaalimaha labaad iyo sadexaadna lassiiyay buugaag iyo dhawr bilood oo ay schoolka lacag la;aan ku dhigan doonaan.

Dhanka kale ardada ayaa waxay soo bandhigeen khudbado ka turjumaya sida ay uga faa’iideysteen muddadii ay dhiganayeen dugsiga.khudbadahaas oo ku baxayay luuqadaha engllishka, arabiga iyo soomaaliga ayaa waxay ku saabsanaayeen mawduucyo muhiim ah sida dhibaatada ay leedahay jahligu, nadaafad xumada cudurrada laga dhaxlo, ammaanka muhiimada uu u leeyahay bulshada horumarkeeda iyo in loo baahan yahay in si weyn looga faa;iideysto bisha barakaysan ee ramadaanka .

Ugu danbeyntii ugaaska oo abaalmarinnada gudoonsiinayay ardada ayaa si aad ah ugu dheeraaday horumarka waxbarasho ee uu dugsigan ku tillaabsaday mudadii yarayd ee uu jiray isagoo ugu baaqay dhammaan dadka u dhashey deegaankan ee jooga dalka iyo dibadaba inay gacan ka geystaan sidii dayactir iyo dhismo cusub ba loogu dari lahaa dugsigan oo muddaddii dawladu dhacsanayd aan helin wax dayactir ah.

Xafiiska War-qabadka Ee Mustaqiim
Caabudwaaq, Galguduud, Soomaaliya,
E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com

2 Comments »

  1. 1
    maxamuud Says:

    waa HeerSare dhabti , Allah la Garab Galo, Aamin.

  2. 2
    ibrahim Says:

    waa ceeb reer alma’muun inaad website free ah isticmaashaan waxaa la idin karabaa mid lcagah oo .com ah


RSS Feed for this entry

Leave a comment