Archive for January 2011

January 16, 2011

MAQAAL KU SAABSAN (UHARSO)
URURKA HORMARINTA ARDAYDA SOOMAALIYEED
ãäÙãÜÜÉ ÊäãíÜÜÉ ÇáØÜÜáÇÈ ÇáÕÜÜæãÜÜÜÇá
SOMALI STUDENT’S DEVELOPMENT ORGANIZATION

Ururka oo la aas-aasay bilawgi sanadii tagtay ee 2010 taariikda maerkee aheed 01/01/2010 maalin jimco ah. waxaana aas-aaska ururka ka dambeeday ardayd soomaaliyeed ee joogta muqdisho iyo kuwa hada bara kacaku ahay deegaanada duleedada caasimada , kadib markii dhibaatada ardayda heesato ee badatay una muuqatay ardayda abaabulka howshaan ku lug laheed wax badan in laga badalo marxaladaan baahi weyn loo qabo iskaashi iyo wada shaqeen dhexmarta ardayda . waxaana ururka oo marxaladaan adag xubnihiisa ay damacsanyihiin iney wax ka badalaan iska warqab la’aanta iyo wadashaqeen xumada ka dhaxjirta ardayda soomaaliyeed, sidoo kale ururka waxaa qorshaha ugu weyn uu hiigsanayo ee tahay in marka la isku xiro ardayda soomaaliyeed si guud aan ka wada shaqeyno iskana wada kaashano daryeelida iyo gacan u fidinta ardayda walaalaha aynu nahay ee mashaakilaadka ama dagaalada dalka ka socda ee waxyeela adag ka soo gaarto.

intaa kadib ururka mudo waxa uu u halgamayay mideenta iyo isku keenida ardayda soomaaliyeed gaar ahaan daladaha mideeyo ardayda qurbaha joogto iyo kuwa gobolada si arinta iskaashiga iyo wax u qabadka ardayda mudo dhaw u hirgasho, waxa kale uu ururka u fidin doonaa garab gargaar tacliin ardayda danyarta ha ee aanan heli karin awooda qarashaadka waxbarashada si loo yareeyo qatarta jahliga bulshada ku hayo.

sidoo kale ururka waxa uu tababaro hormarineed iyo dood cilmiyeed waxtar u leh u qaban doonaa ardayda heerarka sare ee tacliinta dalka hada ku jira intaa kadib ururka waxa uu u gudbi doonaa xalinta baahi kasta oo caqabad ku ah sii wadashada ardayda waxbarashada anaga oo ardayda si isku duubni ah uga wada guul gaari doono.

dhanka waxqabadka ururka waxaa ururka uu dhisanyahay mudo sanad ah tabarta ururka oo yar awgeedna waxa hirgalay helidda xubno khibrad shaqo urur aqooon iyo kartiba u leh waana tan keentay in ururka ay hada ku jiraan in ka badan 50qof oo kala jooga dalka iyo dibada waxaana mudadaas ururka xubnaha iyo maamulka ay ku dadaalayeen in ay xiriir adag la sameeyaan ardayda dibada wax ka dhigato ayada oo hada ururka xiriir fiican uu la leeyahay ku dhawaad 3 urur arday oo ay ku mideesanyihiin in ku dhow 4,000 oo arday hadana waxa aan weli ku guda jirnaa helida wada shaqeyn intaan ka xoogan oo aan la yeelano ururada & ardayda soomaaliyeed ee dalka iyo dibada waxka barato, weliba waxaan codsi weyn usoo jeedineynaa madaxda ururada ardayda in aan yeelano xiriir adag iyo wadashaqeen xoogan waxaana mahadcelin weyn u jeedineynaa xubnaha ururka oo dalka iyo dibada kala joogo dadaalki weynaa ee mudada sanadka ah hirgaliyeen waxa aan ugu baaqeynaa ka mira dhalinta ahdaafta ururka loo aas-aasay.

ASBAABAHA KEENAY AASAASIDA URURKA

1.kadib marki ay soo badatay dhibaatooyinka nabadgalyo darida ah ee saameynta adag ku yeelato ardayda iyo bahda waxbarashada,isla aragnayna baahida ah in daryeel dhinacyo badan ah ay ardaydu ubaahi qabto
2.kadib marki aan aragnay baahida loo qabo dhanka tacliinta hoose dadka taagta daran iyo waxqabadka ardayda dhanka taakuleenta iyo daryeelka ardayda dhibanaha u ah dirirta
3.kadib markaan aragnay in qoysaska danyarta ah ay ubadkooda ay baahi weyn u qabaan tacaaliimta aasaasiga ah
4.kadib markaan aragnay baahida loo qabo iskaashiga ardayda iyo wadashaqeen la’aanta hada ka dhaxjirta ururada ardayda
5.marki aan aragnay baahida ah in ardayda cilmi maskaxdooda ku jiro iyo fikirkba ay u baahantay dad ka kale loo gudbiyo
6.marki aan aragnay in ay ardayda u baahanyihiin hormarin xaga qoraalada cabirida fikrada iskaashiga isfahanka iyo xalinta xasrada bahda waxbarashada iyo deegaanka ku xeeran
Ayaa waxaa go’aansanay inaan wax uun ka badalno arimaha kor aan kusoo xusnay hadba awoodayada intey tahay sida iyo ugu haboon una kordhin laheen tayada ardayda

UJEEDOOYINKA URURKA

1.dhisida ama sameynta xiriir adag oo ay yeeshaan ardayda iyo bahda waxbarashada
2.daryeelka iyo gacan ufidinta ardayda ku dhaawacma dhibaatada dhinacyada badan leh ee ardayda soo gaarto
3.waxqabadka ardayda dhanka taakuleenta iyo daryeelka ardayda dhibanaha u ah dirirta ka jirta dalka
4.ka gacan siinta qoysaska danyarta ah in ay ubadkooda helaan tacaaliimta aasaasiga ah
5.sameynta daraasad cilmiyeed ardayda cilmiga maskaxdooda ku jiro iyo fikirkba ay kusoo bandhigaan dadkana loo gudbiyo dadaalka ardayda iyo miraha ay durba dhalin karaan
6.qabashada barnaamijyo la xariira horumarinta ardayda dhinacyada ay hadba u baahanyihiin

Gabagabo

waxaa amaan iyo mahadcelin dhanka kale u direynaa bahada saxaafa oo door wacan oo wadashaqeyn ah na siiyay ugu danbeen waxaa baaq u jeedineynaa ardayda , ururada waxbarashada , ururada samafalka , ganacsatada soomaaliyeed , muxsiniinta wanaaga jecel in ey howlaha ardayda ay daryeel iyo muhiimada siiyaan si mushkilada dalka ay uga yaraato mahadsanidiin xariirka xog-hayaha warfaafinta saxaafada iyo warfaafinta UHARSO

Gudoomiyaha Ururka Mr.C/wahaab Maxamed C/dulle (Xaaji) xaaji0225@hotmail.com

Wixii faahfaahin ama intaa ka badan waxaa kala soco kartaan webpage-ka ururka oo ah http://www.uharso.webs.com ama waxaa nagala soo xirir kartaan

E-mail: uharso@hotmail.com and uharso@gmail.com