ardayda somaliyeed ee kawaxbarato jaamacadda ahgaff oo si heersare ah loogusoodhaweeyay puntland.

Boosaaso:(Allpuntland)-Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland siweyn loogu soo dhaweeyey ku dhawaad 50-Arday Soomaaliyeed ah oo katimid dalka Yemen (JAAMACADDA AHGAFF ) waxna ka baranaysay jaamacadaha kaladuwan ee dalkaas iyagoo kasoo cararay dhibaatooyinka dalkaas ka jira oo ka lifay in la xiro dhamaan Jaamacadihii kaladuwanaa ee dalkaas ku yaalay kuwaas oo imika aysan wax waxbarasho ahi ka socon.

Ardaydan oo ay dooni kasoo qaaday xeebaha dalka Yemen ayaa kasoo dagay dekeda weyn ee magaalada Boosaaso,waxaana soo dhaweyntooda ka qeybgalay xubno katirsan maamulka gobolka Bari,kan degmada Boosaaso & Saraakiisha wasaarada Waxbarashada ee gobolka Bari kuwaas oo siweyn usoo dhaweeyey ardaydan iyagoo markii danbena geeyey hoteelo ay Wasaarada Waxbarashadu horey ugu sii diyaarisay ardayda ka timid dalka Yemen ee kasoo carartay dhibaatooyinka kacdoomadu wadaan ee halkaas ka jira.

Soo dhaweynta ardaydan kadib ayaa loo qabtay xaflad balaaran oo loogu soo dhaweynayo Tobonaanka arday ee dalka dib ugu soo laabtay kuwaas oo ay saameeyeen colaadaha kajira dalka Yemen,waxaana goobtaas ka hadlay saraakiil katirsan dawlada Puntland & qaarkamid ah ardaydii lasoo dhaweeyey iyagoo muujiyey sida ay ugu faraxsanyihiin soo dhaweynta loo sameeyey,waxaana maanta magaalada Boosaaso kasoo anbabaxay intabadan ardaydii katimid dalka Yemen kuwaas oo kasoo kala jeeday dhamaan gobolada kaladuwan ee Soomaaliya.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland